Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo Cawad Ku Maray Burburinta Jabhadda Oromia

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed, ayaa xasuuq bini’aadanimo ku tilmaamay dil wadareed loo gaystay dad laga tira badan yahay oo ku sugan galbeedka dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wacad ku qaadeyso in la ciribtiro fallagada Oromada ee OLF, taas oo la rumaysan yahay in ay iyaga ka dambeeyeen xasuuqa ka dhacay galbeedka Itoobiya.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in kooxdaan ay tahay kooxda dhibaatada ka wadda dalkiisa Itoobiya, illa iyo hadda dhankeeda jabhadda Oromada kama aysan hadlin dhacdada.

deegaanka Hawa Gelan  oo ka tirsan gobalka Oromia, ayaa todobaadkaan waxaa ka dhacay dagaal xasuuq loogu gaystay dadka laga tirada badan yahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this