Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah burcadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah burcadda hubeysan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kale xilliyada habeenkii ah ka geysta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, C/fitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey in howl-galladaasi oo ay fulin doonaan qaybaha ay ka kooban yihiin ciidamada inay ka bilaaban doonaan gudaha caasimada si looga hortego amni daada.

“Laga bilaabo maanta waxaan bulshada gobolka Banaadir u xaqiijineynaa in guud ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan kala harin qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, qaybaha kala duwan ee gobolka, fadhiyada madaxa-bannaan iyo ciidanka gaarka ah dhammaan taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu amray in laga wda howlgalo muddo koobana lagu soo afjaro carruurtaasi gaangiska ah ee caadeestay inay Ummadda hantidooda qaataan, dhiigoodana daadiyaan,” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in inta badan dhibaatooyinka iyo dhaca shacabka lagu geysto mootooyinka nooca Bajaajta, isla-markaana ay ku raadjoogaan.

“Waxaan heynaa mootooyin badan oo u adeega tuugada, dadyowgii raacana u geeya tuugada si loo dhaco oo hantida looga furto,” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray milkiilayaasha mootooyinkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay marka hore hubiyaan qofka ay ka kireysanayaan mootooyinkooda.

“Waxaan kaloo rabaa inaan halkan farriin uga diro milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta ee kireeya shaqsi walba oo mootadaada aad ka kireyneyso, waa inaad u heysaa caddeyn dambi la’aan ah,” ayuu markale yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo wargeliyaan kooxaha dhaca geysta iyo sidoo kale kuwa ka ganacsada maandooriyaha oo uu tilmaamay inay iyagujna la dagaalamayaan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa faraha ka baxayey amniga caasimada oo ay kusoo kordheen rag hubeysan oo dhacaya shacabka, waxaana ugu dambeeyey dilkii xalay loo geystay Marxuum Macalin Cismaan Macow oo moobeyl dartiis loo dilay, kaas oo ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha Muqdisho, gaar ahaan Jaamacadda Horseed.

The post DF oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah burcadda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this