Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalin Jaamacadeed oo Muqdisho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo aan heybtooda la garan ayaa goordhow ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho macalin wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen dukaankiisa oo ku yaala degmada Dharkeynley.

Goob joogayaal ayaa sheegay in muran kooban oo dhex maray marxuumka iyo kooxihii dilka geystay uu markiiba isku badalay rasaas ay ku furan marxuumka.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Taleefankiisa gacanta iyo agab kale ka hor inta aysan goobta ka baxsan.

Maamulka degmada Dharkeenley ayaan weli ka hadlin dilka ee loo geystay macalinka Allaha u naxariistee Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this