Deeq A. Posted July 4, 2022 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid 1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland 2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland 3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland 4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland 5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan Waxaa kale oo la magacaabay B. Keydka1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin T. Xubno Guddi1. Daahir Maxamed Nuur 2. Xasan Cabdi CilmiPUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dib u magacaabay Maxkamadda sare appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites