Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Laba nin oo ku eedaysan falal argagixiso oo maxkamad la soo taagay

Recommended Posts

Deeq A.   
3.png?resize=729%2C521&ssl=1

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa shalay la hor-keenay laba nin oo ku eedaysan Al-shabaabnimo.

Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre ayaa xeer ilaalinta ciidamadu ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamakaraana Gaalkacyo ka fuliyeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan dilal.

Fadhiga maxkamadda ayaa lagu dhegaystay dacwadda xeer ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane.

Sidoo kale maxkamaddu weli kuma dhawaaqin xukunka labadaas nin ee ku eedaysan argagixisnimada waxaana la filaya in ay dhowaan go’aan rasmiya ka soo saarto.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Laba nin oo ku eedaysan falal argagixiso oo maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this