Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Toogasho Ka Dhacday Magaalada Ugu Nabada Badan Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Copenhagen)-Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn dalka Denmark, halka kuwa kalena uu dhaawacay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Nin 22 jir ah ayaa la xidhay oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

Taliyaha bilayska Soeren Thomassen ayaa sheegay in ujeedka weerarka aanu caddayn, isla markaana aanu meesha ka saari karin in ficilkaani uu yahay “fal argagixiso”.

Raysal wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah. Waxay tacsi u dirtay ehellada dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay, iyadoo ugu baaqday dadka dalka Denmark, in ay midoobaan ayna is taageeraan xilligana adag ee lagu jiro.

“Denmark waxaa ka dhacay weerar naxariis darro ah. Caasimadeena quruxda badan oo badanaa aad u nabdoon ayaa lagu bedelay ilbidhiqsiyo,” ayay tidhi

Qoyska boqortooyada Denmark ayaa sheegay inay aad uga damqadeen “Dadkii ku dhintay, qaraabadooda iyo dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey”.

“Weli si buuxda uma naqaano dhibaatada dhacday, balse waxaa muuqata in dad badan ay naftooda ku waayeen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qoyska boqortooyada.

Eedeysanaha weerarkan suuqa laga tukaameysto ka dhacay ayaa markii la xidhay waxa uu haystay qori iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen. Ninkaan lagu eedaynayo inuu weerarka gaystay ayaa sidoo kale booliisku ku tilmaameen nin “Danish ah” waxaana uu waajihi doonaa su’aalo maanta oo isniin ah .

Booliisku waxay sheegeen in ayna haynin wax calaamad ah oo muujinaya in kooxo kale ay ku lug lahaayeen weerarka ka dhacay, waxayna ku booriyeen mulkiilayaasha tukaanada inay la wadaagaan xog kasta oo la xidhiidha falkaan oo laga yabao in ay hayaan.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 isugu jira tukaamo iyo makhaayado. Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in cabsi ay soo waajahday dadkii wax ka iibsanayay suuqa, xilligii weerarku uu dhacayay.

Mid ka mid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Isabelle ayaa u sheegtay warbaahinta Denmark: “Si lama filaan ah ayaanu u maqalnay rasaas, waxaan filayaa in aan maqlay toban xabbadood, ka dibna aan ku dhex cararnay suuqa, waxa aanu ku dhuumanay suuli, halkaas oo aanu isugu nimid dad gaadhaya 11 qof”.

Wax yar ka dib toogashada, qoyska boqortooyada Denmark ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay xaflad soo dhaweyn ah oo uu qaban lahaa Amiir Frederik. Qaar ka mid ah hoggaamiyasha dalalka deriska la ah Denmarka ayaa cambaareyay werarka , waxayna tacsi u direen qoysaska dadkii wax ku noqday.

125738764_1b52c1b5-b1bd-428a-8171-46b749 1111111111111111.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this