Sign in to follow this  
Deeq A.

Siduu u dhacay weerarkii Xalay lagu qaaday Magaalada ugu nabdoon Caalamka & Yurub+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac+Sawirro?

Recommended Posts

Deeq A.   

Siduu u dhacay weerarkii Xalay lagu qaaday Magaalada ugu nabdoon Caalamka & Yurub+Khasaaraha?

Sida ay booliisku sheegeen, Tiro dadah ayaa lagu dilay, qaar kalena waa ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taal caasimadda Denmark ee Copenhagen.

Taliyaha booliska Soeren Thomassen oo ku dhawaaqay dhimashada ayaa sheegay in nin 22 jir ah oo reer Denmark ah loo xiray weerarka.

Mr Thomassen waxa uu sheegay in ujeedku aanu caddayn, balse aanu meesha ka saari karin inuu yahay fal argagixiso.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay fiidnimadii Caawa, Mr Thomassen ayaa sheegay inay aad ugu u adagtahay in si sax ah loo sheego tirada dadka ku waxyeeloobay weerarka.

Laakin waxa uu warfidiyeenka u sheegay in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in rag kale wehliyeen ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay.

Goob joogayaal ayaa ka hadlay cabsi soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay, iyadoo rasaas ay ka dhacaysay gudaha Suuqa oo ku yaalla Koonfurta magaalada.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 dukaamo iyo makhaayado.

Sida lagu sheegay qiimeyn la sameeyey Magaalada Copenhagen ee caasimadda Denmark ayaa sanadkan noqotay magaalada ugu nabddoon adduunka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

6SEBPIHYCBJ6RC2BU4GI6OTV6M.jpg1000-1.jpeg1000-2.jpeg1000-3.jpeg1000-4.jpeg1000-5.jpeg1000-6.jpeg1000-7.jpeg1000-8.jpegABXD2VMW2ZKRZMZLKRJJYP7VQM.jpgJKLLARKBLVPZXDWDFTDAILORDU.jpgLV42IL6D3BI6HK46ZTN3UNXP7U.jpgPESYMLI6XFKJXGY7A7L5G4F2QA.jpgQIUG74H3Q5O3HJHYV4PX4GLANM.jpgQMMTL7BOFVJH7HVSR3OLQZIVZY.jpgYNOFGOSJTNPLXD7HGG5KSYIKCI.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this