Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo riixaya in la baabi’iyo kiiska geed-quwaaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay wadaan abaabul ku jihaysan baabi’inta kiiska geed-quwaaxa ee garsoorka horyaalla.

Garsoorka ayaa wajahaya culays kaga imaanaya xildhibaannada qaarkood oo doonaya in la baabi’iyo kiiska geed-quwaaxa sida ay wararku xaqiijinayaan.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in ay jiraan xildhibaanno ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa oo riixaya in meesha laga saaro kiiskaas.

Xildhibaannada diiddan kiiska geed-quwaaxa ayaa sidoo kale wada abaabul ka dhan ah ansixinta mas’uuliyiinta garsoorka ee magacaaban.

Dacwadda Kiiska geed-quwaaxa ayaa lagu wadaa in mar kale loo fariisto Isniinta soo socota inkastoo uu jiro culayska ka imaanaya xildhibaannada Baarlamanka qaarkood.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka tirsan Puntland oo riixaya in la baabi’iyo kiiska geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this