Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xal u heshay shidaal la’aantii ka jirtay deegaanadeeda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland oo ah dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa xal u heshay shidaal la’aan muddooyinkii lasoo dhaafay ka jirtay deegaanada maamulkaasi, waxayna keensatay markab weyn oo sida shidaal fara badan.

Markabka oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa xeebaha Puntland ayaa xalay kusoo xirtay dekedda weyn ee Boosaaso, iyadoo halkaas ay buux dhaafiyeen booyadaha shidaalka.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana shidaalka iska leh ganacsato reer Puntland ah oo soo rartay.

Sawirro laga soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa la arkayaa gaadiidka shidaalka oo isaga kala gooshaya halkaasi, waxayna bilaabeen in magaalooyinka kale u daabulaan shidaalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka bedasho shidaal yarida ka taagan deegaanada Puntland, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sarreysay gaaray.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay aheyd mid mashquul ah, waxaana ka dhoofayey xoolo loo iibgeynayay wadamada Carabta.

Si kastaba, shidaalkla dunida ayaa sare u kacay, kadib duulaankii uu Ruushka ka qaaday dalka Ukraine, waxaana saameynta ugu badan dagaalkaas ka dhexlay dalalka Afrika.

FB_IMG_1656714687117.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1656714697946.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1656714701341.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1656714681085.jpg?resize=696%2C39

 

The post Puntland oo xal u heshay shidaal la’aantii ka jirtay deegaanadeeda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this