Deeq A. Posted July 2, 2022 Dadka dagan qeybo kala duwan oo dalka Imaaraadka Carabta ah ayaa sheegay in laga dareemay magaalooyin kala duwan oo ay joogan dhul gariir goor dhawayd oo caawa ah magaalooyinkaasi ayaa waxa ka mid ah magaalada Dubai. Ka dib Dhul gariirkii lagu qiyaasay 6.3 ee cabirka dhul gariirka ee ku dhuftay dalka Iran. Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dadka ku sugan imaaradka carabta ayaa barahooda bulshada kaga warbixinaya dareenkooda dhul gariirkaasi caawa laga dareemay meelo ka tirsan dalkaasi. Xarunta Qaran ee Dawlada Imaaradka ee Saadasha Hawada ee loo yaqaan (NCM), iyo laamaha kala duwan ee dawladu may sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul gariirkas caawa laga dareemayay meelo ka tirsan Imaaradka carabta qaar. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites