Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab 12 beri taagnaa badda oo ku soo xirtay dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16567153085502992.jpg?resize=720%

Xilli ay deegaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka noocyadiisa kala duwan ah, ayaa caawa dekedda magaalada Boosaaso waxaa ku soo xirtay Markab sida in ka badan 5 tan oo shidaala.

Markabkan ayaa 12 beri taagnaa badda, kaddib markii uu dekedda Boosaaso ka waayay meel uu kaga xirto, taas oo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland.

FB_IMG_16567151943130927.jpg?resize=720%

Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

PUNTLAND POST

The post Markab 12 beri taagnaa badda oo ku soo xirtay dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this