Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo dagaal iclaamiyey, kadib markii uu maanta ku laabtay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabeelle ayaa islaamiyey guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dowladda federaalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha kadib warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu madaxda qaranka kala hadlay labo arrimood oo kala ah:

1 – Gurmadka abaaraha

2 – Iyo dagaal lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in labadaas qodob ay madaxda qaranku ka balan qaadeen Cali Guudlaawe inay kala shaqey doonaan maamulkiisa, isagoo sheegay in howlagalladu ay hadda ka bilowdeen gobolka Hiiraan.

“Madaxweynuhu wuxuu kulamo muhiim ah la soo qaatay madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha XFS, waxyaabaha ugu muhiimsan ee madaxda uu kala hadlay waxay kala ahaayeen in dadka reer HirShabeelle abaarta looga gurmado iyo in deegaanada HirShabeelle laga bilaabo howlgallo lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri Daa’uud Cirro.

Wuxuu sheegay in caqabada ugu weyn ay maamulkaas ku hayaan Al-Shabaab, “Sida aad ogtihiin howgalku wuxuu hadda ka bilowday gobolka Hiiraan, gobolkaan Shabeellada Dhexe wuxuu howlgalku ka bilaabanayaa dhanka Cadale,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka madaxtooyada HirShabeelle.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo u dhaxeeyey ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya maamulka gobolka Hiiraan iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Hiiraan, halkaas oo laga saaray Al-Shabaab, sida uu shaaciyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

The post Cali Guudlaawe oo dagaal iclaamiyey, kadib markii uu maanta ku laabtay Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this