Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda Sannadkii 2021

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Baarlamanka Puntland ayaa maanta loo gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadkii tegay ee 2021.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa Baarlamanka u gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad-sannadeedka 2021.

Wasiir ku xigeenka ayaa xildhibaannada Baarlamanka u akhriyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda oo uu ka muuqdo isu dheelli-tirnaan la’aan dhinaca dakhliga iyo kharashka baxay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Xisaab-xirka oo daabacan si ay u soo akhriyaan kadibna dood uga yeeshaan kulamada danbe.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda Sannadkii 2021 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this