Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka Oo Hanjabaad Culus U Diray Sweden, Finland Iyo NATO.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Ashgabat)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO ayna wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine. Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geedi socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horreeyay ee Mr Putin uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu billaamay duulaanka. Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine illaa iyo inta ay ku qaadato.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda millatari ee tobanaanka sanno ay wadeen. Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso ah.

Laakiin madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii dambe ogolaaday codsigooda, si taas beddelkeedana loo helo dammaanad qaaday amni.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this