Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Shaaciyey Maalinta La Ciidayo Iyo Dalal Badan Islaam Ah Oo Ku Khilaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaac ka qaaday in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo), taasi oo ka dhiggan in la ogyahay maalinta ay ku beetgan tahay munaasabadda Ciidul Adxaa ee sannadka 2022.

Sacuudiga waxay sheegeen in bisha Carafo xalay laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegan 8-da July oo Jimce ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka July 2022.

Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in la arkay bisha Dul-Xijjah iyo in kale iyo maalinta ay u billaamayso Ciidul-Adxa.

Dalalka Malaysiya, Indonesia iyo Burunai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ee Carafa, iyadoo dalalkaasi ay Ciidul Adxaa u billaamayso Axada 10-ka July 2022.

Dalalka islaamka ee Carabta ah ayaa inta badan Sacuudiga ku raaca dhalashada Bilaha Dulxajj iyo Ramadaan, halka dalal kale ay si gaara u maamushaan aragtida billahaasi.

Bisha Carafo ayaa waxay kaga duwan tahay bilaha Ramadaan iyo Shawaal inaan la isku khilaafin, waxaana bilashada Carafo badanaa lagu raacaa dowladda Sacuudiga oo ka mas’uul ah goobaha barakeysan ee Xajka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this