Deeq A. Posted June 30, 2022 XAL LA’AANI XAL MAAHA Hadii ay run ka tahay madaxwaynaha uu doonayo in xal loo helo khilaafka arimaha doorashooyinka waxa ka muuqan lahayd niyadsami oo bilaa shuruud ayuu soo deyn lahaa 14 lahaye ee isugu jira madaxda waddani iyo laba weriye, xataa inta aan wax wadahadal iyo dhexdhexaadin ah la gelin ayuu ooda ka soo qaadi lahaa. Balse ma qabo in uu diyaar u yahay xal laga gaadho khilaafka siyaasadeed oo laga yaabo in uu gaadhi karo meel ka xun halka uu hadda joogo. Markaa madaxwaynuhu isaga ayaa xal haya mise xal la’aanta ayuu u haystaa in ay isaga ugu badinayso. Wallee xal la’aan baanay cidna ugu badin ee bal aan aragno guusha uu xal la’aanta ku gaadho iyo danta ugu jirta. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites