Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: R/W Xamse oo shaaciyey arrin uu dhibsaday oo Madaxtooyada uu ugu yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu tageerayay oo caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dhowr arrimood nasiib darro ku ah umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo lama huraan ay tahay in deg deg looga soo kabsado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in uusan aqbali karin in gabar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo aan muslim aheyn ay ammaankiisa sugto oo ka ilaaliso dad kale oo Soomaaliyeed.

“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo heysta dhul qani ah ay gaajo iyo harraad u dhintaan, iyagoo u muuqda biyaha webiyada mara qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhibka ka taagan in la isaga kala safro dalka gudihiisa, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in safar kasta oo maagaalo ka tirsan Soomaaliya loo aadayo ay waajib tahay in diyaarad la raaco.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo khudbadaan ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo hotel Jazeera ay ugu sameeyeen ardaydii wax ku soo baratay dalka Malaysia oo isagu uu ka mid ahaa ayaa balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta xaaladaan cakiran.

Hoos ka daawo

The post Daawo: R/W Xamse oo shaaciyey arrin uu dhibsaday oo Madaxtooyada uu ugu yimid appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this