Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka oo lagu eedeeyay “dhexdhexaadnimo la’aan”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1656522681520.jpg?resize=720%2C48Sacdiyo waxaa lagu dhaliilay “dhexdhexaadnimo la’aan” markay su’aalo aan miisaaniyadda la xiriirin weyddiisay Beyle.

Muqdisho (Wararka PP) — Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee barlamaanka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay xeer hoosaaska guddoominta kalfadhiyada baarlamaamka federaalka. Sacdiyo ayaa su’aalo weyddiisay Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Beyle iyadoo tusaale u soo qaadatay guddi maaliyadeed oo uu baarlamaankii 10aad kala diray 2017kii.

Beyle ayaa sheegay in shaqadiisu aysan ahayn kala dirista guddi maaliyadeed. “Guddoomiye ku xigeenka kowaad wuxuu ka mid yahay guddoonka Aqalka Hoose. Waa inuu adeegsado awood maarayneed iyo dhexdhexaadnimo isla socda waayo waa wakiil madax-bannaan oo dhexdhexaad ah” ayuu Xildhibaan u sheegay Puntland Post.

Beyle wuxuu ka jawaabayay su’aalo ay xildhibaannadu soo jeediyeen oo ku saabsan go’aammo ansixin miisaaniyadeed uu baarlamaankii hore qaadan waayay murankii doorashada awgiis.

Guddoonka baarlamaanka marka u fadhiyo kursiga guddoominta waxaa saaran u gudashada xilka guddoominta kalfadhiga si dhexdhexaadnimo leh.

© Puntland Post, 2022

The post Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka oo lagu eedeeyay “dhexdhexaadnimo la’aan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this