Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah oo shir gaar yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah oo shir gaar yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this