Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo ruxay Mid ka mida Magaalooyinka ugu waaweyn Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraxyo ruxay Mid ka mida Magaalooyinka ugu waaweyn Dalka Itoobiya

Qaraxyo ayaa ka dhacay afar goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen,

Tani ayaa muujinaysa in ammaanka gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya uu sii xumaanayo.

Sida ay sheegtay afhayeenka booliiska,qaraxyada lala bartilmaameedsaday goobo “istaraatiiji” oo ah gudaha magaalada, xarunta u ah gobolka, waxaana loola dan lahaa in lagu ‘argagixiyo shacabka’.

Ma aysan shaacin in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxay xaqiijisay in lix qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi kadambeyeen ay gacanta lagu soo dhigay.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in xaalada magaalada ay maanta deggeneyd.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this