Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dhabancad oo su’aal laga weydiiyay sababta loo fariisin waayay golaha degaanka degmada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   
4-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa su’aal laga weydiiyay sababta ilaa iyo hadda loo fariisin waayay golaha degaanka degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal si ay u doortaan maamul cusub.

Wasiirka oo su’aashas ka jawaabay ayaa sheegay in dhowaan la fariisin doono golaha degaanka Eyl oo 25-kii October 2021 lagu soo doortay qof iyo cod si ay u doortaan maamulka cusub ee degmadaas.

Dib u dhaca ku yimid maamul u dhiska degmada Eyl ayuu wasiir Dhabancad ku sababeeyay mid la xiriirta arrima farsamo balse ma sii faahfaahin.

Waxa xusid mudan in degmada Eyl uu dhowaan ka jiray khilaaf ku salaysan doorashada maamulka degmada kaas oo caqabad ku noqday fariisinta golaha degaanka ee lagu doortay codka shacabka.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dhabancad oo su’aal laga weydiiyay sababta loo fariisin waayay golaha degaanka degmada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this