Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Xamsa & Rooble oo si wadajir ah u booqday xarunta cusub ee xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wada jir ah maanta u kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa kaloo ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Xil gaarsiinta, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka xoogga dhulka, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.

Waa booqashadii ugu horreysay uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ku tago xarumaha dowladda tan iyo 25 Juun 2022-kii oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay siiyeen codka kalsoonida.

Xamse Cabdi Barre ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 15 Juun 2022-ka, waxaana lagu wadaa in uu xilka la wareegay saacadaha soo socda, si uu usoo dhiso Xukuumadda cusub.

288886917_424358726397406_58509915465191 290818358_424358809730731_59635935395346 289822447_424358793064066_56935796604437 289646757_424358823064063_66619024851084 289743711_424358843064061_16664625021288 290865590_424358879730724_17118118048786 290443274_424358699730742_99637823248077 290572027_424358943064051_36464386130614 289621485_424358896397389_73522876926853 290539184_424358913064054_65712993494720 289939918_424358933064052_30574327101777 290005276_424358676397411_82745826339962 289790669_424358769730735_72156954151202 289114611_424358783064067_51117643445206 288964475_424358653064080_18295359538143

The post Sawiro: Xamsa & Rooble oo si wadajir ah u booqday xarunta cusub ee xukuumadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this