Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DENI oo amar culus siiyey Booliska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Booliska ee maamulkaasi, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee maamulkaasi, siiba sugida nabad-geylada.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka amniga Puntland Mudane Cabdisamad Galan, taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Ugu horreyn Madaxweyne Saciid Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay taliyeyaasha uu la kulmay , taas oo la xiriirtay amniga iyo dhaqada Booliska Puntland.

Saraakiisha hadlay ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda la xiriira sugida amniga, waxayna ballan qaadeen inay laba jibaari doonaan howlgallada baaritaanada ah.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa amray taliska Ciidamada Booliska in ay dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana sidoo kale usii dheer la dagaalanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya bulshada deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii koox cabtoy ah ay dileen taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho ee maamulkaasi, Marxuum Cumar Hiiraad Kaatuun.

Galan.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 290797057_580957820053231_83392964080236 290735682_580956623386684_27907425127801 290584348_580957410053272_29693214235657 290823721_580956860053327_32423474279805

The post Sawirro: DENI oo amar culus siiyey Booliska Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this