Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Iyo Israa’iil Oo Yeeshay Kulan Qarsoodi Ah Oo Lagu Gaadhay Heshiis Culus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Saraakiil millatari oo sare oo ka kala socda Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wada-hadallo qarsoodi ah oo uu Mareykanka soo agaasimay, si ay uga wada-hadlaan iskaashi difaac oo ka dhan ah Iran.

Wufuud ka kala socota Riyadh, Qatar, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Jordan iyo Masar ayaa madaxa ciidammada Israa’iil kula kulmay magaalada Sharma el-Shaikh bishii March, sida uu Isniintii kashifay wargeyska the Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah iyo kuwo ku sugan gobolka.

Mareykanka ayaa waxaa matalayey Jeneraal Frank McKenzie, taliyihii hore ee Taliska Dhexe ee Ciidammada Mareykanka, kaasi oo mas’uuliyaddiisa uu ballaadhiyey madaxweyne Trump kuna soo daray Israa’iil.

Kulankan aan caadiga aheyn ayaa asteeyey markii ugu horreysay ee saraakiil Israa’iili ah ay la kulmaan xubno ka socda dhowr dal oo Carab ah, ayada oo ujeedka uu yahay inay ka hortagaan halista ay wadaagaan ee ah awoodda sii kordheysa ee gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka Iran.

Israa’iil wax xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Qatar iyo Sacuudi Carabiya, oo ah dalalka ugu saameynta badan siyaasadda gobolka.

Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump, Israa’iil ayaa dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Morocco iyo Sudan la saxeexatay heshiiska Abraham oo lagu aas-aasay xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay yeesheen dalalkaas.

Kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa u muuqda inuu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo loo qaaday xidhiidh rasmi ah oo ay yeeshaan Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu booqdo Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya badhtamaha July, markaasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo tallaabooyin dheeraad oo la xidhiidha xidhiidhka labada dal ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Heshiis lasoo jeediyey ayaa la rumeysan yahay inay ku jirto in diyaaradaha ganacsiga Israa’iil loo ogolaado hawada boqortooyada, iyo in Israa’iil ay ansixiso qorshe ay Masar dib ugu wareejineyso Sacuudiga laba jasiirad oo muhiim ah oo ku yaalla Badda Cas.

Dalalka Carabta ayaa u muuqda inay aad u daneynayaan inay helaan taknoolajiyadda horumarsan ee gantaallada difaaca hawada ee Israa’iil, kadib weeraro dhowr ah oo loo adeegsaday diyaarado drone ah oo lagu qaaday xarumo ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo lagu tuhmayo Iran.

Weerarkii ugu cuslaa oo ay sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto, ayaa lala helay xarumaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco bishii September 2019, taasi oo hakisay 5% wax soo-saarka shidaalka caalamka.

Ka qeyb-galayaasha kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan isku raaceen nidaam bixinaya wergelin deg deg marka halis ay soo muuqato iyo hanaan go’aan qaadasho oo ciidammada dalalka ay dhexda kaga qabanayaan diyaaradaha drone-ka, gantaallada ballistic iyo kuwa kuruuska.

Afhayeenada Israa’iil iyo dalalkan Carbeed ayaa diiday inay wax faallo ah ka bixiyaan kulan madaxeedka. Isaga oo la hadlayey xubnaha Knesset-ka (baarlamanka) Israa’iil, ayaa wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz wuxuu sheegay in wax uu ugu yeedhay “Isbaheysiga Difaaca Hawada ee Bariga Dhexe” uu goor horeba shaqeynayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this