Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada Saraakiisha ka mas’uulka ah dhacdadii Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi ka kooban lix xubnood, oo Xukuumadda Puntland u  xil-saartay Xaqiiqa Raadinta dhacdadii Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo, ayaa dowladda u gudbiyay Natiijada ka soo baxday Baaritaankoodii.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay Khasaaraha ka dhashay dhacdadaas iyo cidda mas’uuliyadeeda leh, waxaana guddigu ku taliyay in dowladdu bixiso Khasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, islamarkaana Raalli-gelin siiso dadkii waxyeelladu gaartay.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in dhacdadaas uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka PSF ee ilaalinayay goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) iyo askari kale oo ka tirsan PSF.

Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dhibaatadii halkaas ka dhacday ay mas’uul ka yihiin, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhaawacan, G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac Koomaad iyo Taliyaha Saldhiga Siinaay ee magaalada Gaalkacyo, Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Baaritaanka ayaa lagu lifaaqay dhammaan caddaymihii laga qoray dhinacyada kala duwan, waxaana Taliska Booliiska loogu baaqay in uu tallaabo ka qaado Saraakiisha ku eedaysan in ay mas’uul ka yihiin falkaas.

Halkaan ka akhriso Warbixinta guddiga

1-14.jpg?resize=835%2C1080&ssl=1 2-10.jpg?resize=835%2C1080&ssl=1 3-4.jpg?resize=835%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Magacyada Saraakiisha ka mas’uulka ah dhacdadii Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this