Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda iyo shacabka aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska sannad guurada 45-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyaddooda oo ku beegnayd Maanta oo Isniin ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhaan.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 45-tan jirsaday ee ay u dabbaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this