Deeq A. Posted June 27, 2022 (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda iyo shacabka aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska sannad guurada 45-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii. Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyaddooda oo ku beegnayd Maanta oo Isniin ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhaan. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 45-tan jirsaday ee ay u dabbaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL Source Share this post Link to post Share on other sites