Deeq A. Posted June 27, 2022 Baarlamanka Puntland ayaa cod u qaaday in warbaahinta laga saaro xarunta Baarlamanka Puntland oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Amniga qaarkood. Dhammaan warbaahinta ayaa laga saaray Golaha kadib markii Xildhibaannadu u codeeyeen in la saaro si aysan goob-joog uga noqon Kulanka. Kulanka waxa ku sugan Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan oo su’aalo laga weydiinayo xaaladda Amniga guud ee Puntland. Wasiirka waxa Kulanka ku weheliya labadiisa ku xigeen Taliyaha Booliiska Gen. Maxamed Cali Xaashi Taliyaha Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Agaasime ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda PISA Maxamed Caseyr. Xildhibaannada ayaa sidoo kale su’aalo ku saabsan Arrimaha Amniga weydiin doon Taliyaasha iyo Agaasimaha Sirdoonka. PUNTLAND POST The post Kulanka Baarlamanka Puntland oo laga saaray Warbaahinta appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites