Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Walaalaha Jabuuti dowlad iyo shacabba waxay noo yihiin hiil aan ku tashanno

Recommended Posts

Deeq A.   
3-3.jpg?resize=640%2C360&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh: Walaalaha Jabuuti dowlad iyo shacabba waxay noo yihiin hiil aan ku tashanno appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this