Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo lagu qarxiyey HIIRAAN + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen wariyeyaaal iyo askar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Gaariga la qarxiyey ayaa ka mid ahaa kolonyo uu watay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro wariyeyaal iyo askar saaneyd baabuurka la qarxiyey.

Wariyeyaasha dhaawaca ah waxaa ka mid ah Khaalid Muxumed (Ilkacase), Cabdikariin Shabeellow iyo nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gurey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawacyada loo soo qaaday magaalada Beledweyne oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Hiiraan oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro ay ka geystaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

The post Gaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo lagu qarxiyey HIIRAAN + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this