Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Amniga Gobollada Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1656231987660.jpg?resize=720%2C45

Taliyaha Ciidanaka booliska DPL S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska DPL waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur ,Hogaanada Ciidanka,Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal,Bari,Mudug,Sool,Karkaar,Cayn,Gardafuu,Sanaag iyo Haylan.

Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.

Taliyaha ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta amniga degaamada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loohelo deegaan nabdoon.

PUNTLAND POST

The post Shirka Amniga Gobollada Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this