Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga dowladda Puntland oo xarumo ka dhisanaya dekedda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta ugu sarraysa bankiga dowladda Puntland iyo madaxda shirkadda dhismaha dekedda Garacad ee Wadaagsan oo maanta kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrima kala duwan.

Labada dhinac ayaa ugu horrayn ka wada-hadlay dhismaha xarumihii bankiga dowladdu ku yeelan lahaa gudaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sidii bankigu uga qayb-qaadan lahaa dhismaha wadada isku xirta Garacad Gaalkacyo iyo Galdogob.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in la bilaabo dhismaha wadada isku xirta Garacad Gaalkacyo iyo Galdogob.

PUNTLAND POST

The post Bankiga dowladda Puntland oo xarumo ka dhisanaya dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this