Sign in to follow this  
Deeq A.

Tallaabadii aan caadiga aheyn ee uu qaaday madaxweyne Xasan oo waddo cusub furtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay qaaday tallaabo naadir ka ah siyaasadda Soomaaliya, isaga oo shacabka Soomaaliyeed si daacadnimo ah ugu wargeliyey xaalad ay adkaan laheyd inay ogadaaan haddii aanu sidaas sameyn. 

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19,” ayuu yiri madaxweynaha oo qoraal soo dhigay facebook. 

Tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh waxay aad uga duwan tahay hab-dhaqankii madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siyaasad wax qarin ah iyo in laga dhuunto bulshada iyo warbaahinta ay ka go’neyd.

Ka sokow inuu sheegay xanuunka, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale shalay kasoo degay qeyb gaar ah oo ka mid ah garoonka Aadan Cadde, isaga oo ilaalinaya badqabka shacabka iyo shaqaalaha garoonka. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la socday diyaarad gaar ah, isaga diyaaraddii sidday ula gudbay goob gaar ah oo ku taallo hangarka Afisyooni ah, isaga oo halkaas toos uga aaday Villa Somalia, si uu u ilaaliyo bedqabka shacabkiisa oo ay ku jiraan shaqaalaha garoonka Aaden Cadde. 

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shalay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed u muujiyey inay xaq u leeyihiin inay ogaadaan xaaladda madaxdooda iyo dowladdooda, taasi oo sahelysa in lala xisaabtamo. 

Falcelintii ka dhalatay wargelintiisa ayaa gebi ahaan aheyd mid togan, oo uu helo ducada malaayiin badan oo qalbiyadooda ay daqiiqado ku buuxisay kalsooni badan oo ay qaadeen madaxweynahooda. 

Waxaa sidoo kale xusid mudan, in Xasan Sheekh uu soo kordhiyey in afhayeenkiisa uu shir jaraa’id u qabto warbaahinta si joogto ah, oo su’aalo ay weydiiyaan, taasi oo u sahleysa inay jawaabo u helaan arrimaha mugdiga ku jiro, waana wax aan horey uga dhicin taliskii ka horreeyey.

Inkasta oo ay tahay xilli hore, haddana madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu nidaamka dowladeed ee Soomaaliya ka dhigayaa mid la mid ah kuwa kale ee caalamka, oo ah nidaam ku dhisan daah-furnaan, dimoqraadiyad, ogaansho iyo isla xisaabtan.

Xasan Sheekh waxaa kale oo saacidaya inaysan jirin wax uu qarinayo ama khaladaad ka dhacay oo uu shacabka kala dhuumanayo, taasi oo siineysa kalsooni ah inuu shacabka la hadli karo xilli kasta.

Muddada ku dhow bil iyo bar-ka ee uu madaxweyne yahay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warbaahinta xorta ah siiyey wareysi ka badan intii uu bixiyey Farmaajo shanti sano ee uu dalka madaxweyne ka ahaa, taasi oo ku tuseysa heerka isku kalsoonaanta iyo dimqoraadiyadda ee madaxweynaha ku shaqyenayo.

Kuma filnaan doonta oo kaliya daah-furnaan, waxaase madaxweyne Xasan Sheekh laga sugayaa inuu ku daro wax qabad la taaban karo, taasi oo haddii uu ku guuleysto baal dahab ah ka gelin doonta taariikhda Soomaaliya.

The post Tallaabadii aan caadiga aheyn ee uu qaaday madaxweyne Xasan oo waddo cusub furtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this