Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho dhiig ku daatay oo ka dhacday Oslo iyo waxay salka ku hayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Oslo (Caasimada Online) – Toogasho ka dhacday baar ku yaalla caasimada Norway ee Oslo ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 14 ruux oo kale.

Sida uu sheegay taliska booliska toogashadan ayaa salka ku haysa argagixisanimo, ayada oo kusoo aaday xili magaaladu isu-diyaarinayso dhoola-tuska sanadlaha ah ee Pride.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maqaayada toogashadu ka dhacday ay fariistan khaniisiinta, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo weerarka.

Sidoo kale majirto koox si rasmi ah dusha u saartay mas’uuliyadda weerarkaan toogasho.

Toogashadaan ayaa waxaa markiiba ka hadlay Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Stoere, isaga oo waxa dhacay ku tilmaamay inuu ahaa weerar argagax leh oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan.

“Weli garan mayno waxa ka dambeeya falkan foosha xun, laakiin dadka caqiidada ah ee baqaya ee murugaysan, waxaan rabaa in aan idin sheegno in aan idin garab-taaganahay,” ayuu yiri.

Bishii October ayay aheyd markii nin la sheegay in uu la noolaa xaalad caafimaad oo dhanka dhimirka ah uu qirtay inuu shan qof ku dilay weerar qaanso iyo fallaaro loo adeegsaday oo ka dhacay Koonfurta dalkaas.

The post Toogasho dhiig ku daatay oo ka dhacday Oslo iyo waxay salka ku hayso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this