Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo Looga Yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda xilgaarsiiinta federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta qaranka, gaar ahaan qeybta la socodka falalka la xiriira Maaliyadda, waxaana wasiirka lagu amray inuu xafiiska yimaado maalinta Isniinta ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 27-ka June 2022,11: 00 subaxnimo.

Lama oga eedeymaha saxda ah ee lagu soo oogay wasiirka, mana jirin waxyaabo la xariira oo lagu daabacay warqadda kasoo baxaday xafiiska, marka laga reebo inuu xafiisku wado baaritaanno la xiriira maaliyadda iyo dhaqaalaha wadanka, waxaana sidoo kale yeeritaanka wasiirka la ogeysiiyay guddiga kumeel gaarka ah ee maaliyadda ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Halkaan ka akhriso qoraalka

Waq.jpg

Goobjoog News

 

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this