Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo codka kalsoonida helay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16561448652263898.jpg?resize=720%

Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta codka Kalsoonida siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre.

220 xildhibaan oo kamid ah 275 xubood ee Golaha Aqalka Hoose ayaa Codka Kalsoonida siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub islamarkaana ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay midna.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Ansixinta ka hor khudbad u jeediyay Golaha waxaana uu ka dalbaday in ay siiyaan Codka Kalsoonida si uu u soo dhiso Xukuumad cusub.

Ra’iisul wasaaraha oo la magacaabay 15-kii bishaan June ayaa laga sugaya in uu soo dhiso Xukuumad cusub oo la wareegta mas’uuliyadda dalka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo codka kalsoonida helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this