Sign in to follow this  
Deeq A.

DE DEG: BF Soomaaliya oo si buuxda codka kasloonida u siiyey R/W Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kulanka xildhibaanada ayaa waxaa goobjoog ahaa illaa 220 Mudane, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, waxaana codka kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanada xaadiray.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

The post DE DEG: BF Soomaaliya oo si buuxda codka kasloonida u siiyey R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this