Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Maraykanka oo baabi’isay shirci muran badan dhaliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa Jimcihii shalay baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay in ay ilmaha iska soo xaaqi karaan.

sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade ayaa Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii.

Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.

Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in la’aalo ogolaaday, hlaka saddexda kale ay diideen.

Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan ilma iska soo ridista la xiriira sameysan karaan.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Maraykanka oo baabi’isay shirci muran badan dhaliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this