Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka cusub arrintii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye?

Recommended Posts

Deeq A.   
1-12.jpg?resize=1000%2C685&ssl=1

Odayaasha dhaqanka Sool iyo Nugaal ayaa sida wararku sheegayaan dadaal xooggan ku bixinayaan fulinta heshiiskii laga gaaray colaaddii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye.

Odayaasha labada dhinac ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin hirgelinta heshiiskaas oo ay ka soo shaqeeyeen guddi  ka madax-bannaan labada dhinac.

Maalmihii u danbeeyay waxa baraha bulshada lagu qoray warar ku saabsan in uu burburay heshiiskii nabadda ee laga gaaray colaaddaas.

Waxaase labada dhinacba markii danbe xaqiijiyeen in ay ka go’antahay fulinta wixii lagu heshiiyay islamarkaana aysan jirin cid diiddan heshiiskii nabadda.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka cusub arrintii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this