Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xasaasiya:Waxa soo socdaa Yaab leh…..Siyaasi Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   
WAXA SOO SOCDAA YAAB LEH
guray.jpg
Q.9aad (Belaayo Madax La Qabtay Leedahaye Mijo La Qabto Ma Laha)
Madaxwayne Muuse dastuurkii Somaliland iyo shuruucdii dalka oo dhan waxad moodaa inta uu meel iska dhigay uu ku bedelay “ wixii aan doono ayaa sharci ah xataa hadii uu sharci darro yahay. Waxa sharci darro ah wixiii aanan ogolayn xataa hadii uu sharci yahay”.
In sidaasi jirto waxa marag cad u ah dhacdadii mudaaharaadka ay ilaa hadda u xidhan yihiin 14 ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxdii xisbiyada mucaaridka iyo 2 suxufi. Dadkii lagu dhaawacay ayaa ilaa hadda u jiifa dhaawacyadii soo gaadhay oo bilaysku u diideen in la siiyo dhaawac-muujin. Ilaa maanta oo ay xidhan yihiin muddo ka badan laba todobaad ayaan Maxkamad la hor geynin oo lahayayaal ku yihiin Xabsiga Madheera.
Falcelintii dhinaca Xukuumadda ayaanay jirin ilaa hadda cid kale oo ku qanacday. Warbixinta Haya’dda Xuquuqul Insaanka ee qaranka ayaa si cad uga hadashay tacadiyada loo geystay dadkii Bilaysku weerary iyagoo dareenkooda ku cabirayay isu-soobax salmi ah iyo kuwii lagu jidhdilay ayaa. Waxa la cadaynayaa jidhdil lagu sameeyay qaar ka mid ah maxaabiista xidhan iyo kuwo kaleba markii la qabqabanayay iyo markii Saldhigga Dhexe ay ku jireen.
Xeerilaalinta oo la faray in ay dhibanayaasha ka dhigto eedaysanayaal ayaan ilaa hadda ku guulaysan wax cdaymo uga dhegto eedaynta inta loo xidhxidhay mudaaharaadkii salmiga ahaa. Sida xogaha qaar ay xusayaan ugu yaraan hal xaakim ayaa diiday in dacwaddan uu qaado dabcan sababtuna waa mafhuum oo eedaha ayaan wax cadaymo ah Xeerilaalintu u haynin ee iska kiis maraanmar iyo “qab ama ha qabin amba waan ku qabadsiin ah”, hadii Garsoore u badheedhi kara dulmi iyo caddaalad darro loo helo.
Bulshada Caalamka gaar ahaan daneeyayaasha Somaliland ayaa si gaar ah indhaha ugu haya oo la socda dhibka iyo tacadiyada loo geystay dad aan iyagu wax dhibaato ah geysanin ee mudaaharaad salmi ah ku jiray. Gaar ahaan dawladihii muddada dheer Somaliland ka taageeri jiray dhinaca nabadgelyada waxtar badanna u lahaa Bilayska Somaliland ayaa ka jaray kaalmadii ay siin jireen sababta oo ah dhibaatadii ay Bilaysku ay u geysteen dadkii ka qaybgelay mudaaharaadkii salmiga ahaa.
Hadaba waxa jiray ergo salaadin badani ay ku jireen oo xisbiyada mucaaridku ay ka ogolaadeen in ay haliyaan mudaaharaadadda si arinka dhexdhexaadin uga galaan. Ilaa hadda dhinaca ay dhexdhexaadinti ka suurogeli la’dahay waa dhinaca Madaxwaynaha oo ay muuqato in aanu diyaar u ahayn.
Sida aan maanta xog ku helay labada cisbi laftooda ayaa la sheegay in samirki ka dhamaaday sidaana ay ku wargeliyeen odayaashii dhexdhexaadinta waday. Sidaa daraadeed ma jirto wax dhexdhexaadin ah oo labada xisbi ay ka dhegaysan doonaan odayaasha hadii bal wax kaleba ha dambeeyo eh Madaxwaynuhu aanu xoriyadooda u doo celin 24 lahaye ee Xabsiga Madheera lagu hayo. Dhinaca kale waxay xisbiyada mucaaridku dalbanayaa in arimihii dhacay maalnitii mudaaharaadka la sameeyo baadhis madaxbanaan si xaqiiqada loo ogaan karo. Taana lagama yaabo in Muuse uu ogolaanayo. Dhinca mucaaridka wakhtiga ay ofayaashu haystaan waa berri iyo ugu dambayn saadambe in 14 muwaadin ee xidhan loogu soo celiyo xoriyadoodii, balse ninka odayaasha ay kaga xidhan tahay waa Muuse Biixi oo Madaxwaynaha JSl ah oo aan isaga mooyee cid kale wax u aqoonin.
Dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaadheen tacadiyadii bilayska waxa ku jiray Xildhibaano Golaha Wakiilada ka mid ah oo weli u jiifa dhaawacii ka soo gaadhay. Nasiib darro Golaha Wakiiladu arinkaa way ka gaabsadeen oo xataa baadhis madsxbanaan oo ay xaq u lahaayeen kumay talaabsanin. Taasina waa nasiib darro sideeda u taal
ELECTIONWATCH
CALIGUREY
289844599_5306439899378844_4891466762818
290350991_5306437936045707_1252546608882
57Hamse Khaire, Mohamed Marshall and 55 others
6 Comments
10 Shares
Like
Comment
Share

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this