Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Turkiga oo fashilisay shirqool yaab leh oo IRAN ay ka fulin laheyd magaalada Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Sirdoonka Turkiga ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday inay fahsiliyeen shirqool ay Iran ku weerari laheyd safiirkii hore ee Israa’iil ee Turkiga oo ka dhici lahaa magaalada Istanbul.

Sida ay ku warrameen warbixinada, Iran ayaa qorsheysay inay afduubato dhowr dalxiisayaal oo Isra’aali ah iyo diblomaasiyiin ku sugan Istanbul oo uu ku jiro safiirkii hore ee Israa’iil iyo xaaskiisa, ayna diyaarisay howlwadeenadii weerarka fulin lahaa – ayada qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta la badbaadiyey waxyar kahor inta aanu weerarku dhicin.

Sirdoonka Turkiga iyo booliska ayaa Jimcihii tegay xidhay 10 qof oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan xubno meelo fog wax ka toogta iyo dad la shaqeynayey oo ku sugnaa hotelka Sol Hotel iyo guryo kale oo ku yaalla Istanbul.

Wakiilo ka tirsan sirdoonka Iran iyo Ilaalada Kacaaka Islaamiga ah ayaa iska dhigay arday, ganacsato iyo dalxiiseyaal si ay u afduubtaan Israa’iiliyiinta.

Turkiga waxa uu sheegay in sirdoonka Israa’iil ee Mossad ee heleen Israa’iiliyiinta islamarkaana ay diyaarad khaas ah ugu duuliyeen Israa’iil.

Inkasta oo lagu guuleystay in howlgalkan la fashiliyo, haddana saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in weli ay jirto halis ka imaneysa Iran oo ay waajahayaan Israa’iiliyiinta ku sugan Turkey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this