Deeq A. Posted June 24, 2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in laga helay xanuunka COVID-19. Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Facebook ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xaqiijiyay warkan oo maalmihii u danbeeyay baraha bulshada laga hadal-hayay. “Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19” “Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo laga helay Xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites