Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sacdiyo oo gargaar soo gaarsiisay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16559937393996105.jpg?resize=720%

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta soo gaartay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xildhibaan Sacdiyo waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay wasiir ku-xigeenka gargaarka Puntland, guddomiyaha gobolka Nugaal, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

FB_IMG_16559937518433252.jpg?resize=720%

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo ayaa deeq gargaara soo gaarsiisay Puntland, si abaarta daran ee goboladda Puntalnd ka jirta gurmad loogu fidiyo.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in aysan ahayn deeqdii ugu danbeysay, balse si dadka liita loogu furmado ay deeqdan u soo hormariyeen.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Sacdiyo oo gargaar soo gaarsiisay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this