Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliskii qaraxyada Al-Shabaab ee 5 DEEGAAN oo la bur-buriyay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa lagu bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Saraakiisha howl-galkan hoggaaminayay waxay sheegen in lagu qabtay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, hub iyo gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan qarax ismiidaamin ah.

jbb1.jpg?resize=696%2C499&ssl=1 jbb3.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 jbb2.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 jbb.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

The post Taliskii qaraxyada Al-Shabaab ee 5 DEEGAAN oo la bur-buriyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this