Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Sweden oo ka wada-hadlay arrima muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
1-11.jpg?resize=1000%2C419&ssl=1

Gudoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin, ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Safaaradda Dawladda Sweden oo ay hogaaminaysay Marwo Petra Smitmanis Dry oo ay weheliyaan Wacheke Michuki (Human Rights and Democracy) iyo Halima Ali Adan (Gender Specialist).

Kulankan ayaa looga wada hadlay doorka Xafiiska ee arrimaha doorashooyinka Puntland, xaaladaha taagan ee xuquuqul insaanka iyo Abaaraha, horomarinta iyo dhisidda Xafiisyada Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee heer Federal iyo heer Maamullada Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Sidoo kalena waxaa si gaara looga wada-hadlay doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee lagu wado in laga hirgaliyo degmooyinka dhiman ee Puntland iyo ka qaybgalka siyaasadda qaybaha nugul ee bulshada sida Haweenka iyo Dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey wefdiga booqashadooda xafiiska, waxaana laysla qaatay xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland iyo Safaaradda Sweden.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Sweden oo ka wada-hadlay arrima muhiim ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this