Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad Soomaali ah Oo Ku Lug Leh Arrimo Halis Ah Oo Lagu Qabtay Dalka Mozambique

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Maputo)-Booliska dalka Mozambique ayaa magaalada Beira ku xidhay shan qof oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin shabakad afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Sida ay booliska ay sheegeen, shanta qof oo la xidhay Arbacadii 22-ka June ayaa sitay dokumentiyo been abuur ah oo kala duwan.

Dokumentiyada ayaa waxaa ku jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaadhadhka codsigga magan-galyada dalka Mozambique ah, kaadhadh aqoonsi oo Kenyan ah iyo baasaboorada safarka Mozambique.

Booliska ayaa sidoo kale baadhaya shabakad rayid oo ku sugan dalka Mozambique, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen in Soomaalida ay soo galaan dalkaas, soona saaraan dokumentiyada, sida uu sheegay afhayeenka booliska Daniel Macuacua.

“Intii uu socday baadhitaanka, waxaan ogaanay in Soomaalidan ay xidhiidh la leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Mozambique, kuwaas oo ay u badan tahay inay u fududeeyeen inay soo saaraan dokumentiyada,” ayuu yidhi Macuacua.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this