Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay shil xooggan oo ka dhacay Gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   
one-1.jpg?resize=750%2C555&ssl=1

Wararka ka imaanaya degaanka Alxamdullilaah ee Gobolka Karkaar ayaa  sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay shil khasaare geystay.

Shilka oo ka dhashay gaari xamuul ah iyo mid nooca raaxada oo isku dhacay waxaa ku dhaawacmay shan qof waxaana ku baaba’ay xoolo uu siday gaariga xamuulka ah.

Dadka dhaawacan ayaa sida wararku sheegayaan qaarkood jajaban yihiin waxaana loo qaaday isbitaalka degmada Carwo ee Gobolka Bari.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan danbe ku soo badanaya laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

1-10.jpg?resize=750%2C1000&ssl=1 2-7.jpg?resize=750%2C1000&ssl=1 4-3.jpg?resize=750%2C1000&ssl=1 5-2.jpg?resize=750%2C1000&ssl=1 6-1.jpg?resize=750%2C1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay shil xooggan oo ka dhacay Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this