Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo caawa la kulmay Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo degan agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u qabtay. Waxuuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka horay loogu wadi lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa isla caawa salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweyne Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu helo kalsoonida golaha shacabka.

Arbacadii maanta ayuu qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Barre la hor geeyo baarlamaanka, si loogu qaado codka kalsoonida, balse waxaa qorshahaas dib u dhigay safarka dheeraaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga maqan yahay.

288526643_5217761251613146_6517942980572 288935189_5217761394946465_2252066437948 289041597_5217820051607266_1743521422754 Farmaajo.jpg?resize=696%2C505&ssl=1 FV4nUGVWABQSghI.jpeg?resize=696%2C464&ssRasiil-wasaare-Xamse-iyo-Farmaajo.jpg?re Rasiil-wasaare-Xamse-iyo-shariif.jpg?res Rasiil-wasaare-Xamse-iyo-Sheekh-Shariif. Rasiil-wasaare-Xamse.jpg?resize=593%2C39 Rasiil-wasaare-Xamse.jpg1_.jpg?resize=69

The post Sawirro: Xamza oo caawa la kulmay Farmaajo iyo Sheekh Shariif appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this