Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Looga Hadlay Amniga Galgaduud oo Dhuusamareeb Ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka  Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Galmudug, waxaana shirka ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiisha, xoogga dalka iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud, kaas oo looga hadlay amniga Galgaduud iyo la dagaalanka Al-shabaab oo qeybo kamid ah kaga sugan gobolka.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay had iyo goor u taagantahay ka hortagga iyo baacsiga kooxaha Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, isagoona ku ammaanay ciidamada qalabka guushii ay iyaga iyo dadka deegaanku ay Al-shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay deegaanka Baxdo ee Galgaduud.
Shirkaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhaqdhaqaaqyo ay ka jiraan goobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in maalinimadii Jimcaha dagaal ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, Galmudug sheegtay in lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan dagaalamyaasha al-shaabaab iyo Darawal nolosha lagu qabtay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this