Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyadda Guddiga rasmiga ah ee loo xilsaaray xal u helida khilaafka xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Lataliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Warancade ayaa kulan la qaatay xubnaha Golaha Guurtida ee uu Soo Xulay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan, kuwaasoo loo xilsaaray xal u helida khilaafka Sharci ee u dhexeeya Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Kulankan oo daba socdey kulamo hore oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa ujeedadiisu waxay daarnayd sida ay xukuumaddu diyaarka ugu tahay in wada hadal arinkasta oo jira iyo in laga heshiiyo khilaafka sharci, iyada oo ay Golaha Guurtidu yihiin Hay’adda xaqa u leh ee shuruucda dalku u jidaysay in ay xaliso muranada sharci iyo kuwa Siyaasadeedba.

Hadaba Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka shirkan isugu keenay xubnaha Golaha Guurtida ee geli doona xalinta Khilaafka sharci, kuwaasoo ka kooban 10 xubnood iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo horey isu xilqaamay, iyaga oo labada dhinac iska arki doonaan sida hawluhu soconayaan, kulamada danbena waxay ka qabsoomayaan Hoolka Golaha Guurtida JSL.

Magacyada Xubnaha Golaha Guurtida

1- Xil. Suldaan Salebaan Suldaan Cabdiraxmaan
2-Xil. Siciid Cabdilaahi Yaasir
3-Xil. Caydiid Cabdi Maxamed
4-Xil. Salebaan Garas
5-Xil. Muuse Xaaji Cabdi
6-Xil. Sheikh Cabdiraxmaan Cumar
7-Xil. Cumar Nuur Waaye
8-Xil.Muuse Ibraahim Nuur
9-Xil. Maxamed Xareed Roob
10-Xil. Xasan Cumar Axmed

Madaxdhaqameedka

1-Sul. Maxamuud Guuleed Mire
2-Sul. Abuusufyaan Maxamed Muuse Nuur
3-Sul. Abshir Muxumed
4-Sul. Cismaan Baane
5-Sul.Maxamuud Xaaji Xuseen
6.Garaad jaamac Garaad Ismaacil
7.Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
8- Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud Aadan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this